Noloshii Hore ee Soomaalida | Xasuus, Dhaqan iyo Nolol Qurux Badan
Roobabkii baa aad u da'ay, dhulku waa wada doog; boor iyo habaas midna ma jiro. Subaxdii waxaad ku soo kacaysaa heesaha iyo laxannada quruxda badan ee shimbiruhu samaynayaan.
Murug iyo wareer ma jiro, waad soo kacaysaa waxaanad arkaysaa aabbahaa oo hortaada soo kacay, cabbayana koobkiisa qaxwada ah, raadiyuhuna dhegta u saaranyahay.
Carruurtu hurdada kumaba daahaan oo fiidkii bay hore ka seexdeen; sidaas darteed, aroortii qorraxda iyagaa ka horreya, waxaana lagu arkayaa bannaanka maadaama ay tahay subax Jimco ah.
Carafta maraqa ay hooyo jikada ku karinayso ayaa kugu soo gaaray halka aad ku cadaynayso. Koobka qaxwada ee aabbuhu cabbayana warkiisa daa, alla muxuu jawigu wacnaa!
Adigii baa markaad soo cadaysato koobkaaga cabaya, carafta dabaysha ee neecawda sidata ayaa ah "kaalay iska arag."
Bannaanka baad aadaysaa, farxad iyo salaan kalgaceyl leh ayaa lagaala hor imaanaya; cuqdad ma jirto, mashquul ma jiro, barakadana aad bay u badantahay.
Markaad socoto waxaad lugaha ka dareemaysaa dharabka dhirta ku yaalla. Waxaad moodaysaa inaad ku socoto jannooyinka dhulka, waayo jawigu waa mid deggan; carafta iyo dhirta kor ka wada casaatay ubaxa gaduudan dartiis!
Ax, yaa xasuus! Maxaa maanta buuqa na baday? Maxaa wareerka iyo mashquulka na baday? Maxaase ina kala qariyay? Waxa la dareemi jiray qofku waxa uu soo cunay sida ay ugu soo carfayaan; kaliya haddii uu yahay canbe, qare, ama bariis.
Baastaduna waa gaar, waxaaba la moodayay inay tahay quudka maalqabeennada, oo si ku-talagal ah ayaa kabta ama meel yar oo koodhka ama madaxa ah gabal yar oo baasto ah la saari jiray si loo dareemo inaad soo cuntay!
Balse maanta ma anagii baa xumaanay mise tayadii cuntutada la cuni jiray baa yaratay? Maskaxdu waxay ahayd mid furan oo ciyaalku si dhaqso leh ayay wax ku baran jireen. Dagaalku wuu yaraa oo maba lays dagaali jirin in badan, ciyaar iyo qosol ayaa loo badnaa. Maxaa nolol soo maray!
Tolow carruurta maanta yar yar ma jawigaas bay ku jiraan si maskaxiyan ah? Koley si caadi ah uguma jeedne. Lakkiin maya, ciyaalku waaba kuwa nala isticmaala moobayllada oo islama ciyaaraan in badan.
Waagaas carruurta iyo waalidku fiidkii bay wada sheekaysan jireen, oo daarda ayaa la wada fadhiisan jiray, marba cid ayaa lagu camiram jiray. Wallow aad loo qosli jiray marka ay aabbe iyo hooyo isku camirtaan, oo carruurtu hooyada la safani jireen—midka yar oo markaas habeenba meel raaco mooyee, inta kale hooyada ayaa lala safani jiray.
Wallee waxay ahayd nolol aad u qurux badnayd balse aan soo laaban doonin.
Eebbow dadkeenii iyo dalkeenii nabad nooga dhig, oo jacayl ku arsaaq! Raali ahaada inta aan xasuustooda dib u celiyay, kana ayaa sidaas i yeelay.
Lasoo dag Appka Uukow Media oo halkaas kaa caawinayso in ai kula falgalo oo uu kusoo koobo ama kusii faahfaahiyo halkaan kala dag si aad aqrisato dhammaan Qormooyinka iyo sheekooyinkii hore
https://play.google.com/store/apps/details?id=com.uukowtech.uukowmedia