Wuxuu ahaa arday dhigta fasalka 4-aad. Galab maalin ka mid ah, isagoo kubbad ku ciyaaraya afaafka gurigooda, ayuu indhihiisu qabteen gabadh aad u qurux badan oo uu ka jeesan waayey. Gabadhaasi waxay ka timid UK, da'dooduna way isu dhaweyd.
Dhibaatada kaliya waxay ahayd in ay laba adduun oo kala af ah ka yimaaddeen. Gabadhu Af-Soomaali ma aqoon, isaguna Ingiriisi kuma hadli jirin, maadaama Ingiriisiga dugsigooda laga bilaabi jiray fasalka 5-aad.
Maalmo badan waxay isku dhaafsan jireen eegmooyin dheer. Indhahoodu waxay isu sheegi jireen wax aanu afkoodu odhan karin. Halkaas ayay jacayl isku qaadeen, balse su'aashu waxay ahayd: yaa isu turjumaya laba qalbi oo is jecel?
Maalin ayay gabadhii warqad ugu soo qortay Ingiriisi. Isaguna wuxuu u geeyey ina-abtidiis oo dhiganaysay fasalka 8-aad, isagoo filayay inay u turjunto. Nasiib darro, iyaduna si fiican uma fahmin. Markii uu warqaddii gabadhii u celiyey, ayuu gacmihiisa ku muujiyey inuu fahmi waayey.
Gabadhii markaas ayay sawir fudud ku beddeshay ereyadii. Waxay ku sawirtay qalbi (❤️) iyo laba qof oo gacmaha is haysta. Halkaas ayuu ku fahmay waxa ay doonaysay inay u sheegto. Farxaddiisu se ma sii waarin.
Ayeeyadii ayaa qurbaha ka timi, waxayna u sheegtay in qoysku ka guurayaan guriga oo ay u wareegayaan xaafad kale oo fog. Wuxuu is yidhi, "Intaanan bixin, mar kale ayaan arki doonaa." Laakiin nasiibku sidaas muu noqon.
Subaxdii xigtay gabadhii waxay u baxday Hargeysa, waxaana la sheegay inay bil kadib soo laaban doonto. Isaguna wuu guuray. Inkastoo uu xaafaddii hore marar badan dib ugu soo laaban jiray, haddana bil dhan mar kasta wuu waayi jiray.
Bil kadib markay gabadhii soo noqotay, waxay carruurtii xaafadda waydiisay: Hebel mee?
Waxay ugu jawaabeen: War uma hayno.
Maalmo kadib waxay dib ugu noqotay UK. Muddo yar ka dibna ina'abtigeed ayaa guursaday. Isaguna waligiis war uma helin inay guursatay, waayo noloshu dhinaceeda ayay ula carartay.
Sannadkii 2020, saaxiibkiis oo ay gabadhu ina-abti u ahayd ayaa ku daray group ay wada joogeen. Markii ay gabadhii aragtay sawirkiisa, isla markiiba way garatay. Iyadaa fariin u dirtay.
Toddoba saacadood ayay wada sheekaysanayeen, iyagoo xusuusanaya maalmahaas carruurnimada. Intii sheekadu socotay ayay u sheegtay inay guursatay, haddana la furay, Ilaahayna hal wiil ku arsaaqay. Warkaasi qalbigiisa wuu gilgilay.
Way kulmeen! waxay isla xusuusteen maalintii warqadda, sawirkii qalbiga, iyo indhihii hadalka ka badnaa. Waxay garteen in wakhtigu sugayn cidna.
Ugu dambayn way is macasalaameeyeen.
Qalbigiisana wuxuu ka dhex lahaa: "Waxay ahayd gabadhii ugu horraysay ee aan si dhab ah u jeclaado. Balse xilligii aan is calfan lahayn wuu dhaafay." 💔